Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh ka dalbaday inuu jawaab ka bixiyo hanjabaaddii Wasiir Fiqi.

24 August, 2025

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo katirsan madasha samatibixinta mucaaradka Somalia ayaa ka jawaabey hadal ka soo…

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo katirsan madasha samatibixinta mucaaradka Somalia ayaa ka jawaabey hadal ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horrayn sheegay in Somali aysan ka dhici karin doorasho dadweyne inta ay meesha ka maqan tahay kalsoonidii, lagana helayo garsoor iyo hay’ado dowladeed oo u madax banaan gudashada waajibaadkooda qaran, isagoo siweyn u dhaliilay musuqa hareeyey hay’adihii dowladda.

“Qof aan hay’adihiisii garsoorka, maamulka iyo caddaaladda lagu kalsoonaan karin ammaankiina madaxwynihii magaalada loo xirayo markii uu dhexmarayo xagee lagu qabanayaa doorashada ma been ayaa laysu sheegayaa, lacagta xisbiga madaxweynuhu ku tamashlaynayo ma isaga iskaleh, shalay isagoo shiid ah ayuu yimi meesha aniyo isagu shan shan kun ayaan iska ururin jirney xilligii mucaaradka markii wax walba loo sinaado ayaa doorasho xisbiyadu geli karaan”, Ayuu yiri CCW.

Waxa uu intaasi ku daray,”Wasiirkiisii difaacaa na handadey, waxaan aaminsanahay madaxweynahaa ka dambeeya, nin aniga i handadayaa oo hubkii iyo ciidankii qaranka maamulaya ifahamsiiya sidaan doorasho ula gelaayo, ilaa aan madaxweynaha afkiisa ka maqalno inuusan wasiirkiisa kula socon arrinkaa waxba ma jiraan.”