25 June, 2025
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-safaaxadeed ay soo saartay ku shaacisay in madaxda DFS iyo hoggaanka mucaaradku ay…

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-safaaxadeed ay soo saartay ku shaacisay in madaxda DFS iyo hoggaanka mucaaradku ay isku raaceen qodobo dhawr ah oo quseeya xaaladda dalka.
Adkaynta Midnimada dalka, hanaanka dibu-eegista dastuurka, ammaanka iyo hanaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay ayey Madaxtooyada shaacisay inay dhinacyadu isku afgarteen.
Ugu dambayn war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyadu isku raaceen baadi goobka mas’uuliyiinta weli ka maqan gogosha arrimaha siyaasadda iyo shirarkii ugu dambeeyey ee Muqdisho.




