Mucaaradka Somalia oo shuruudo ku xiray gogosha siyaasadeed ee MW Xasan Sheekh dhigay.

2 June, 2025

Xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha siyaasadeed ee uu…

Xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

1. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada laga hadlayo, si loo helo hufnaan iyo is-aaminaad.

2. In gogosha noqoto mid xal waara looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

3. In gogosha noqoto mid furan oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba.