Madasha mucaaradka Soomaaliya ayaa markale ku dhawaaqday in aysan sax ahayn doorashada golaha deegaanka ee la…

Madasha mucaaradka Soomaaliya ayaa markale ku dhawaaqday in aysan sax ahayn doorashada golaha deegaanka ee la qorsheeyay in berri ka dhacdo magaalada Muqdisho. Mucaaradku waxay sheegeen in hanaanka loo wajahayo doorashadan uusan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay ka maqan yihiin daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay mucaaradku ku sheegeen in doorashada lagu wado ay tahay mid hal dhinac ah oo ay si buuxda u maamulayso xukuumadda talada haysa, taas oo ay ku eedeeyeen in ay adeegsanayso awoodda dowladda iyo hantida dadweynaha si ay u gaarto dano siyaasadeed oo gaar ah.
Mucaaradka ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uusan buuxin shuruudihii madax-bannaanida, isla markaana aan la helin wadatashi ballaaran oo ay ka qayb qaateen dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada. Waxay sheegeen in arrintaasi ay dhaawacayso kalsoonidii doorashada.
Madasha mucaaradka waxay caddeeyeen in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada berri la qabanayo, iyagoo uga digay in doorasho aan lagu heshiin ay keeni karto qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni darro amni.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada, lana furo wadahadal dhab ah oo lagu gaari karo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo mustaqbal siyaasadeed oo deggan iyo doorasho ay shacabka Muqdisho si dhab ah ugu qanacsan yihiin.



