Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa ka socda loolan culus oo ay kujiraan…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa ka socda loolan culus oo ay kujiraan musharixiinta madaxtooyada iyo saaxiibadooda la raadinayay xilalka ugu sarreeya maamulkaasi.
Xubnaha musharixiinta isbedel doonka maamulka Waqooyi Bari oo habeenimadii xalay kulan ku yeeshay guriga Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaaciyey inay u midoobeen doorashada soo aaddan.
Xubnaha shirka ka soo muuqday waxaa kamid ah Danjire Jamaal iyo Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ah xubnaha uu loolanka adag kala kulmi doono hoggaamiye Firdhiye oo markale u taagan xilka.
Dowladda Somalia oo riixaysa dib u doorashada hoggaamiye Firdhiye ayaa fursad weyn ka heshay doorashadii guddoonka barlamaanka oo ay ku soo bexeen dhammaan xubnihii ay qorshaysay inay kursiga fariistaan.



