Midowga Musharixiinta Madaxtinimada Maamulka Waqooyi Bari ayaa qaaddacay guddiga hubinta iyo ansixinta barlamaanka cusub ee maamulkaasi…
Midowga Musharixiinta Madaxtinimada Maamulka Waqooyi Bari ayaa qaaddacay guddiga hubinta iyo ansixinta barlamaanka cusub ee maamulkaasi uu galabta magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Somalia.
Musharixiinta ayaa sheegay in guddigu uusan waafaqsanayn shuruucda dalka isla markaana uu dad gaar ah u adeegayo, iyagoo ku goodiyey inay doorasho gaar ah qabsan doonaan.
“Haddii doorashada loo mari waayo hannaan heshiis lagu yahay oo wadar-oggol ah, waxaa Musharrixiinta & Golaha-dhaqanku qabanaynaa doorasho loo dhan yahay”, Ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka







