Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo sarkaal sare oo ka tirsan amniga Iiraan ayaa hanjabaado is dhaafsaday Jimcihii iyadoo dibadbaxyadu ay ku faafayaan qaybo ka mid ah dalka Iiraan.

Trump ayaa ka digay in haddii ciidamada Iiraan ay dilaan dibadbaxayaasha uu Mareykanku soo fara gelin doono.
Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in dhowr qof ay ciidamada amniga Iran ku dileen mudaharaadyada socda.
Ali Larijani, oo hore u ahaa afhayeenka baarlamaanka oo hada ah xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Sare ee Iiraan, ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay huriyaan dibadbaxyada. Wuxuu ka digay in faragelinta Mareykanka ay horseedi doonto fowdo gobolka oo dhan ah.
Banaanbaxyadda ayaa ka bilowday Iiraan kadib sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta dalkaasi Axaddii hore, iyadoo uu hada sarifka $1 uu marayo qiyaastii 1.4 milyan oo riyaal.
Markii hore waxaa banaanbaxyada hoggaaminayay ganacsato ku sugan caasimada Tehran, dibadbaxyadu waxay isu beddeleen dalabyo isbeddel doon ah waxayna ku faafeen dalka oo dhan.



