Xog lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlaysa dhinacyo kala duwan oo la xiriira saamaynta…

Xog lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlaysa dhinacyo kala duwan oo la xiriira saamaynta ka dhalatay dilalka iyo aanooyinka qabiil ee ka jira gobolka Mudug iyadoo laga soo jeediyey kulan looga hadlayey nabadda gobolka.
Dr. Cabdirisaq Cabdillaahi (Dr. Mijidho) oo so jeedinayey daraasad ay sameeyeen dhakhaatiir ayaa xusay in aanada qabiil ay ka dhalatay dilal loogeystay dhakhaatiir iyo kuwo iskaga guuray magaalada, Sidoo kalana ay xirmeen goobo caafimaad oo magaalada ka jiray.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ay ka dhacday barakac guud oo gobolka ka dhacay kaas oo dadka uguureen deegaano kale iyo xeryaha barakacyaasha waxaana uu kordhayey sanadihii 2023 ilaa 2025 oo ay barakaceen in ka badan 425 kun.
Gobolka Mudug waxaa jira dilal aanooyin qabiil kuwaas oo beelaha ay isku beegsanayeen sanadihii u dambeeyey waxaa sidoo kale jira dagaalo ku dhex maray beelaha deegaani iyo dhul daaqsimeed ka mid ah gobolka.




