Mudug iyo Doollo ayaa ku heshiiyay saddex qodob oo waaweyn kaddib shir wadajir ah oo ka…

Mudug iyo Doollo ayaa ku heshiiyay saddex qodob oo waaweyn kaddib shir wadajir ah oo ka dhacay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socday maamulada gobollada iyo degmooyinka labada dhinac. Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta wada-shaqeynta amniga, nabadda bulshada iyo hagaajinta isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Qodobka koowaad ee heshiiska ayaa diiradda saaraya amniga, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loola dagaallamo burcadnimada, argagixisada iyo dambiyada ka gudba xuduudaha. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la mideeyo hawlgallada amniga, la fuliyo go’aannada garsoorka, lana adkeeyo la-dagaallanka maandooriyaha.
Qodobka labaad ayaa quseeya nabadda iyo iskaashiga bulshada, waxaana lagu heshiiyay in la qabto shirweyne ay ka qeyb galaan maamulada iyo isimada dhaqanka si loo xoojiyo nabadda. Waxa kale oo la isla meel dhigay in bulshada lagu dhiirrigeliyo inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo helo xasillooni waarta.
Qodobka saddexaad ee heshiiska ayaa la xiriira isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in si nidaamsan loo maamulo dhaqdhaqaaqa, lana tixgeliyo arrimaha amniga, caafimaadka iyo duruufaha gaarka ah ee ay ku sugan yihiin reer guuraaga ku nool deegaannada xuduudda ah.



