Waxaa maanta oo jimce ah la joojiyey duulimaadyadii diyaaradaha gobolada tegi jirey kadib amar ka soo baxay Xukuumadda Federaalka
Go’aankan ayaa yimid kadib markii shirkadaha duulimaadyada rayidka ah ay diideen in ay ciidamo hubeysan u daabulaan magaalada cirifka Koonfureed dhacda ee Raas-Kambooni.
Maamulka Jubaland ayaa diyaaradaha duulimaadyada rayidka ah uga digey in ay faraha la galaan arrimaha ciidanka waxaana ay sheegeen in diyaaradaha duulimaadyada rayidka ah ee faraha la gasha ciidamada in tallaabo laga qaadayo.
Dowladda ayaa ka xumaatey in diyaaraduhu u hoggaansamaan amarka Jubaland waxaana ay ku ciqaabtey in aysan jirin diyaarad duuli karta.
Dadka u safraya gobolada dalka ayaa inta badan raaca diyaaradaha waxaana kamid ah meelaha diyaaradaha loo raaco magaalada Jowhar oo 90km u jirta Muqdisho.
Xukuumadda Federaalka ayaa ciidamo badan ku daabushey Raaskaanbooni iyada oo isticmaalaysa diyaaradaha duulimaadkoodu u diiwaan gashan yahay rayidka, arrintan oo loo arkey mid xaaladda uga sii daraysa.
Dowladda ayaa sidoo kale kala fur-furid ku wada ciidamada maamulka Jubbaland, taas oo keentay in qaarkood ay kasoo goostaan maamulka Axmed Madoobe, kuwaasi oo si rasmi ah ciidanka xoogga dalka loogu diiwaan-geliyay.