Muqdisho: Mucaaradka iyo Ciidamada DFS oo israsaasayn dhexmartay.

24 September, 2025

Goordhow oo galabta ah ayaa iska hor imaad kooban oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta…

Goordhow oo galabta ah ayaa iska hor imaad kooban oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka kadib markii hoggaamiyaal mucaarad ah ay tageen saldhigga Warta Nabadda oo ay ku xirnaayeen askar lagu eedeeyay inay jirdil ay saaka ka gaysteen xaafadda Siinaay oo ah dhul ay dowladda burburin ku waday.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo halkaasi tegay ayaa xili uu warbaahinta la hadlayey Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi balse ilaalada saldhiga ayaa ka hor istaagay mucaaradka inay gudaha u gudbaan.

Israsaasayn kooban ayaa dhacday iyadoo hubka culus la adeegsaday Ciidamada mucaaradka ayaa u suurtagashay inay gudaha u galaan saldhigga.

Xiisadda ayaa kusoo beegantay xili shacab ka caraysan guryo laga burburiyey ay dhigayeen mudaaharaad waxaana ay sababtay ciidamada ay kala eryaan iyadoo baraha bulshada lagu baahiyey muuqaalo ciidamada oo u gacan qaadaya dad shacab ah joogay goobta burburinta ka socotay.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen askartii ka dambeysay jirdilka ka dhacay xaafadda Siinaay. Muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya waayeel iyo hooyo si xun loo garaacayo taas oo kicisay caro xooggan oo bulshada iyadoo mucaaradkana cambaareeyeen falka ciidamada.