Muqdisho oo ganacsatada qaar joojisey adeegsiga shillin Soomaaliga.

13 April, 2026

Inta badan ganacsatada suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa joojiyey adeegsiga lacagta dalka ee shilin Soomaaliga oo xilligan…

Inta badan ganacsatada suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa joojiyey adeegsiga lacagta dalka ee shilin Soomaaliga oo xilligan ka shaqaynaysey caasimadda keli ah kadib dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmeen.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in daabicid la’aanta lacagaha cusub ay keentay inay qiima beel lacageed oo soo wajahay.

DFS oo sannado ka hor sheegtey in ay lacag cusub dalka u samaynayso ayaa ku guul-darraysatay, waxaana xilligan badi Soomaalida lacag u ah doollar-danabaysan oo ay maamulaan shirkasaha Isgaadhsiinta, iyada oo carruurta & waayeelka aan adeegsan taleefannada ay dhib qabaan.

Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka joogsaday isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga, iyadoo ay ka dhalatay sicir-barar baahsan oo saameeyey nolosha bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka.