Madaxda ugu sarraysa DFS, ciidamo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Magaalada Muqdisho kaga qayb…

Madaxda ugu sarraysa DFS, ciidamo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Magaalada Muqdisho kaga qayb galay isu soo baxyo iyo Munaasabado lagu xusayo 1-da Luulyo oo ku astaysan 65 sano guurada ka soo wareegatay maalinka xoriyadda.
Dhanka kalena Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65 sano guurada ka soo wareegatay maalinka xoriyadda iyo midnimada qaranka awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Ubax-dhigga Taalada Daljirka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.
