Qaar kamid ah shacabka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray codbixinta doorashada…

Qaar kamid ah shacabka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray codbixinta doorashada golayaasha deegaanka gobolkaasi, oo ay soo qaban qaabisay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya 20 urur Siyaasadeed, waxaana lagu soo dooran doonaa 390 Kursi oo ah Golaha deegaanka degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
Ciidanka booliska ayaa siweyn u adkeeyey ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana sidoo kale xiran garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Dhanka kalena, dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay duleedka Magaalada Muqdisho, taasi oo looga hortegayo falal ammaanka liddi ku ah oo laga soo abaabulo gobolada deriska la ah Muqdisho.




