14 August, 2025
Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Somalia ayaa maanta dil toogasho ah ku…

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Somalia ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey saddex ruux oo horay loogu helay kamid ahaanshaha Alshabaab iyo ku lug lahaanshaha falal ammaan xumo.
Xubnahaan oo dhammaan rag ahaa ayaa lagu magacaabi jirey Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad), oo dhammaan katirsanaa Kooxda Alshabaab.
Maxkamadda ayaa horay ugu heshay inay ka dambeeyeen dilal, qaraxyo iyo falal kale oo ammaanka liddi ku ah isla markaana ay qiraal ka sameeyeen garmaqalka kiiskooda maxkamadeed.



