Muran ka taagan natiijada doorashadii barlamaanka Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha DFS ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii Golaha Wakiillada ee…

4 August, 2026

Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha DFS ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii Golaha Wakiillada ee Khamiistii ka qabsoontay deegaamada Maamulka Galmudug, iyagoo sheegay in Xisbiga JSP uu ku guuleystay 63 kursi, halka Xisbiga Towfiiq uu helay 12 kursi.

Natiijada ayaa abuurtay khilaaf siyaasadeed iyo diidmo ka timid ururada siyaasadda kaddib markii Xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir uu si rasmi ah u qaadacay natiijada ay soo saareen guddiga doorashada, isagoo ku tilmaamay in aanay ka tarjumayn natiijada saxda ah ee codadkii la dhiibtey.

Xisbiga Towfiiq ayaa sheegay inuusan aqoonsanayn natiijada lagu dhawaaqday, isla markaana waxa uu guddiga ku eedeeyay in uu ku kacay wax isdaba marin iyo ku tumasho hannaankii doorashada.

Sidoo kale, Towfiiq ayaa soo bandhigay natiijo u gaar ah oo gebi ahaanba ka duwan tan guddiga, isaga oo sheegay inuu ku guuleystay 47, halka guddiga doorashooyinku sheegeen inuu helay 12 kursi oo kaliya.