Musharax Jamaal oo walaac ka muujiyey hanaanka loo maamulayo doorashada WBari.

5 August, 2025

Wasiirkii hore ee qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari…

Wasiirkii hore ee qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa walaac ka muujiyey hanaanka ay dhammaystirka maamulkaasi u wajahayso DFS.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in deegaaamada maamulkaasi laga wado khatar iyo kala irdhaw bulsho lana wiiqayo kalsoonida bulshooyinkii Laascaanood ku shiray.

“waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari”

Waxaan soo dhawaynayaa baaqyadii ay jeediyeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Maxamuud Harti iyo Bahwadaagtooda, kuwaas oo si mas’uuliyad leh u dul istaagay arrimo muhiim ah oo khuseeya hannaanka xulista Xildhibaannada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Tabashada ay muujiyeen waa mid si mug leh uga tarjumaysa walaac dhab ah oo la xiriira hannaanka soo xulista Xildhibaannada iyo inuu ku socdo hab aan sharciyad ku salaysnayn, layskuna waafaqsanayn oo ku suntan boob iyo dhac.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani in ay si xilkasnimo leh oo mas’uuliyad wadareed ka muuqato uga jawaabaan tabashadan, iyada oo lagu dadaalayo in xal waara laga gaaro, si looga hortago kala shaki, niyad-jab bulsho, ama dib-u-dhac ku yimaada geeddi-socodka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Haddii aan si degdeg ah xal rasmi ah loo helin, waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, taas oo dhaawacaysa masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Gobollada ku midoobay maamulkan iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambayntii; waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo midnimada dadka, lagana fogaado hannaan doorasho oo hal dhinac ah.

Musharax Madaxweyne Jamaal M Hassan