Musharaxa Madaxweynaha Hirshabeelle ee Urur-siyaasadeedka JSP oo la shaaciyey.

Ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si…

14 September, 2026

Ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u shaaciyay musharaxa ururka ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa loo guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimada ururka JSP, taas oo ka dhigaysa musharraxa rasmiga ah ee ururka u matalaya doorashada madaxtinimada maamulka, xilli horay loo asteeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Aadan Madoobe ku soo baxay.

Tallaabadaasi waxaa siweyn uga horyimid qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Hiiraan, oo uu kamid yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka baxay ballanqaadyadii uu u sameeyey beelaha gobolka Hiiraan oo weli quuddarraynaya kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ku wajahan wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, islamarkaana ay qayb weyn ka yihiin Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoo lafilayo inay ka arrinsadaan xaaladda Hirshabeelle, masiirka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan & qorshayaasha DFS.