Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ayaa caawa si rasmi ah ula wareegay faylasha musharaxnimada labada murashax…

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ayaa caawa si rasmi ah ula wareegay faylasha musharaxnimada labada murashax ee u tartamaya xilka Duqa Degmada Gaalkacyo qaatayna shahaadada musharaxnimada. Labada musharax ee ku tartamaya xilkan waa Xuseen Cabdinuur Maxamed oo ka socda xisbiga Kaah ee muxaafidka ah iyo Cabdiraxmaan Axmed Daahir oo matalaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah habraaca doorashada degmada, waxaana ay astaan u tahay diyaar garowga doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 13-ka bishan September. Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in labada musharax buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay, isla markaana si rasmi ah ugu tartami doonaan hogaanka degmada.
Doorashada la filayo ayaa imanaysa xilli magaalada Gaalkacyo ay mar kale raadineyso hoggaan cusub kadib markii uu toddobaadkii hore iscasilay duqii degmada Maxamed Cabdirisaaq oo isagana yimid markii duqii hore iscasilay.
Doorashadan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee duqa magaalada tan iyo markii nidaamka qof iyo cod lagu soo doortay golaha deegaanka magaalada. Xaaladdan oo kale waxay muujinaysaa in maamulka degmada uu wajahayo isbeddel degdeg ah iyadoo rajadu tahay in la helo hoggaan xasilloon oo waxqabad leh.








