Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Waqooyi Bari oo la shaaciyey.

29 August, 2025

Guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay, liiska musharixiinta u taagan…

Guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay, liiska musharixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.

Musharixiinta lagu dhawaaqay oo ka kooban 5 musharax madaxweyne iyo 5 musharax madaxweyne ku-xigeen ayaa waxaa ka soo muuqday hoggaamiye Firdhiye, Danjire Jamaal, Cabdirisaaq Khaliif, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf iyo xubno kale.

Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Jabuutaawi oo maalinimadii shalay ku dhawaaqay inuu ku gudbey shuruudihii looga baahnaa ayaan guud ahaanba ka soo muuqan liiska mana jirto tafaasiil guddigu ka bixiyeen tallaabadaasi.