Mustafe Cagjar oo markale loo doortay Madaxweynaha Dowlad deegaanka.

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo xilka…

1 October, 2026
Mustafe Cagjar

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo xilka hoggaanka deegaanka sii hayn doona muddo shan sano ah, xilli uu laba jeer oo hore oo hoggaamiyey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Golaha Baarlamaanka cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa cod u qaaday madaxweynaha, waxaana sidoo kale in xarunta golaah shacabka ee Magaalada Jigjiga Mubashir Dubad Raage loogu doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Mustafe Maxamed Cumar ayaa hoggaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida hayay tan iyo sannadkii 2018, xilli uu xilka kala wareegay hoggaan ku-meel-gaar ah oo deegaanka ka jiray, Sannadkii 2021 ayuu mar kale ku guuleystay doorashada madaxweynaha, isagoo markaas loo doortay muddo xileed labaad.

Mustafe Maxamed Cumar ayaa siweyn loogu ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee soo dhaweynta Soomaalida, waxka beddelkii calanka oo lagu daray kan Soomaaliya iyo inuu isbedel ku sameeeyey hanaankii xorriyadda hadalka ee deegaanka.