Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ku goodiyey inuu tallaabo…

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ku goodiyey inuu tallaabo hor leh ka qaaday mucaaradka iyo cidkasta oo kala qayb gasha banaanbaxa, Wuxuu cambaareeyey falkii shalay isagoo ku tilmaamay khalad weyn in mucaaradku tagaan saldhig boolis oo shaqo ka socoto kadibna ay ka abuuraan qalqal amni.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa shalay ku dhawaaqay inay Sabtida qabanayaan mudaharaad ballaaran oo ka dhici doona Muqdisho gaar ahaan Tarabuunka, Dayniile iyo Siinaay. Sheekh Shariif ayaa sheegay in mudaharaadku yahay mid nabadeed oo lagu diidan yahay dhul boobka iyo falalka dowladda lagu eedeeyay.
Duqa Muqdisho Muungaab ayaa si adag uga horyimid qorshahan isagoo sheegay in mucaaradku aanay awood u lahayn inay go’aansadaan meelaha lagu mudaharaadi karo. Wuxuu caddeeyay in goobaha ay ku baaqeen mucaaradku aysan iyagu xukumin sida Tarabuunka iyo Siinaay sidaas darteedna aan loo oggolaan doonin inay iskugu yimaadaan.
“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan” ayuu sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Muungaab ayaa amar ku bixiyay laamaha amniga isagoo faray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeeleyso nabadda iyo xasilloonida magaalada. Arrintan ayaa imaanaysa xilli xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex taagan tahay dowladda iyo mucaaradka kadib iska hor imaad hubeysan oo shalay ka dhacay saldhigga Warta Nabadda.



