MUUQAAL: Xagee ku baxaa dhaqaalaha shacabka Puntland ku taageeraan ciidanka.

10 May, 2025

Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Cal-miskaad ayaa markale shacabka ugu baaqay inay…

Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Cal-miskaad ayaa markale shacabka ugu baaqay inay laba jibbaaraan taageerada ciidanka dagaalka kula jira Daacish.

Guddoomiyaha guddiga taakulaynta ahna Wasiirka caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyey taageerada shacabka, wuxuuna sheegay in wixii ay horay u bixiyeen natiijadeeda la arkay iyadoo ciidanka looga dhigay daaweyn iyo sahay.

“Kuwa hadda socda ee aad aragtaan waa kuwii wixiinii lagu diray, kuwii bareelaha lagu sidey ee iyagoo caafimaad ah maanta dalka ku soo laabtay iyo kuwa gudaha lagu daweeyey intaba, hawlgalka qaybihiisii ayaa bilaabanaya shaqadii ugu adkayd ayaana inoo taalla”, Ayuu yiri wasiir Qoorsheel.

Ugu dambayntiina wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland ee kunool dalka iyo dibadda inay markale soo dedejiyaan taakulada ciidanka maadaama wejiyadii kale ee hawlgalku bilaaban doonaan.