Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay hadal dhawaan ka soo…

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Boqor Buurmadaw oo dhawaan sheegay in uu ka qaybqaatay jabkii ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo soo bixitaankii Cirro.
“Waxaa jiray nin ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo si gabasho la’aan ah u sheegtay in uu ka qaybqaatay dagaalkii waxyeelada naf iyo maalba lahaa ee lagu soo gaaray ciidamada Somaliland, sidoo kale ku mano sheegtay in uu madaxweynaha maanta jooga kursiga saaray, mar labaadna uu saari doono”, Ayuu yiri Muuse Biixi
Dhanka kalena, Muuse Biixi ayaa usoo jeediyey Cabdiraxmaan Cirro inuu shacabka la wadaago mowqifkiisa ku aaddan arrinkaasi,“Madaxweynaha waxaan kula talinayaa oo u soo jeedinayaa in uu ummadda reer Somaliland la wadaago oo u caddeeyo mowqifka uu arrintaas ka taagan yahay.”
Somaliland ayaa laga qabsaday gacan ku haynta inta badan gobolka Sool, iyadoo ay weli maxaabiis ahaan Laascaanood ugu xiran yihiin in ka badan 400 oo isugu jira ciidan iyo saraakiil looga qabsaday dagaalkii Goojacadde ee 25 Agoos 2023.



