Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysey ka hadlay aqoonsigii Israel…

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysey ka hadlay aqoonsigii Israel siisay maamulka Somaliland iyo faahfaahin la’aanta xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro.
Muuse Biixi, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dastuurka Somaliland uusan ogolayn in nin gaal ah Islaam looga hiiliyo aysanna aqbali doonin in garab la siiyo maamulka Yuhuudda oo dagaal kula jira reer Falastiin.
“Maba-dhici karto oo dastuurkaa diiddan diintuna ma ogola in nin Islaam ah gaal looga hiiliyo, xukuumaddu weli shacabka uma soo bandhigin waxa uu yahay axdiga aan ku heshiinay Israel”, Ayuu yiri Madaxweyne hore Muuse Biixi.
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”Haddii ay ku xad gudbaan dastuurka ama dal Islaam ah dhibaato u raacaan waa laga hadli doonaa, dastuurkeena waxaa ku qoran wixii diinta ku xad gudbaya lama ogola.”



