Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dhibaateeyey dalka India.

Qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada caafimaad u doontay dalka India ayaa walaac xooggan ka…

15 September, 2025

Qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada caafimaad u doontay dalka India ayaa walaac xooggan ka muujiyey lacago baad ah oo looga qaaday gudaha dalkaasi, xilli ay ku socdeen sifo sharci ah.

Sheekh Axmed Daad oo dhawaan gaarey India ayaa sheegay in ku dhawaad 30 ruux oo Soomaali uu kujiro ah lagu dhibaateeyey Magaalada Haydarbaad, wuxuuna xusay inay jiraan dad badan oo la kulma ficiladaasi.

“Waxaan ka dhoofnay meesha la yiraahdo Adisababa anagoo Soomaali badan ah, aniga shaqsiyan waxaa ila socotay Hooyadey iyo Gabar aan dhalay waxaana u soconnay Dalka india, gaar ahaan haydarabad, Adisababana waxaan u tagtay inaan Visa ka qaadano maadaama Safaaradda India ee Somalia aysan shaqayn, si sharci ah oo nidaamsan baan visihi kusoo qaadannay wax naga qaldanaana ma jirin”.

“Kowdi Habeenimo ayaan waxaan nimi Haydarabaad Airport, goortaan emagarashinka mareenay anagoo Sodomeeyo Soomaali ah gaarayna hal mar baa amar nala siiyey iyadoo waxba naloo sheegin, waxay na yiraahdeen noqda oo waxaa tagtaan xafiis hebel, war wax walba waa noo saxsanyihiin maxaa naloo takoorayaa markaanu niri, war noqda ayeey warka noogu soo koobeen, Dad Gaari lagu riixayo oo aan socon karin iyo kuwo luudaya ayaa nala socday oo Hindia Caafimaad ugu socday qarashkoodana la baxayey waayeelana u badan”

“Xafiis baa nalaku aruurshay baasaboooradi waa nalaka qaaday,waxaa nalaku yiri xagee ka timaadeen badanaa Dadkuna Visaha Adis bey kasoo qaateen, kadibna waxaa nalooku jawaabay waa ganaaxantihiin sharcigiina caafimaadku waa dhacsan yahay, laba mid soogala, inaad meeshi aad ka timaadeen u laabataan, iyo inaad karantiil gashaan mudo 5cisho ah oo meel la idinku xareynayo, oo qofkiba dhoor kun oo Dollar laga qaadayo,waxaan badankeen go’aan sannay inaan dib wadankeeni ugu laabanno hadiiba sidaas bahdilka ah naloola dhaqmayo anagoo caafimaad usoo raadsannay India, sababtoo ah Safaaradda India ee Adis ku taal ayaa Visaha nasoo siisay Kaarkeena Caafimaadka nagama dhacsanayn wax naga qaldanaa maleh ee si kutalagal ah ayaa naloogu fiirsaday hadaanu Soomaali mahay”

“Xoogaa inta inoo aamuseen ayaa marki dambe lacag baad ah oo kun Dollar ah aniga gaar la ii weydiistay maadaama Dadka aan ugu firfircoonaa oo aan doodayey, mid Sarkaal ah ayaa igu yiri bixi kun Dollar adiga iyo Gabadhaada iyo hooyadaa waan idin sii deynayaa maxaa kaa galay kuwa kale, kadibna waxaan ku iri sharci baan ku taagnahay hadaa dhimanayo xataa baadaas bixin mayo ee dib iigu celiya Dalkeyga, waxaan dareemay meel kasta bahdilka nagu haysta iyo sida aan walli u nahay Dad qabiil qabiil isku dilaya, dalkoodi burburiyey Dalal shisheeyana Dhisanaya”

Waxaa qoray: Sheekh Axmed Daad.