Kooxdii ugu horreysay oo ka kooban 300 reer Ghana ah ayaa Arbacadii ka ambabaxday Koonfur Afrika iyagoo raacay diyaarad dib u celin ah oo ay ku tagayaan Accra, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ghana.

Dadka reer Ghana ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee OR Tambo International Airport ee Johannesburg.
Guud ahaan waxaa la filayaa in ay ka baxaan ilaa 800 qof oo u dhashay Ghana, kuwaas oo qayb ka ah barnaamijka dib u celinta dadkaas. Dowlada Ghana waxay ballan qaaday inay ka caawin doonto muwaadiniinteeda dib loogu soo celiyay taageero dhaqaale.
Muddooyinkii danbe waxaa soo kordhayey weerarada qaar kamid ah reer Koonfur Afrika ku qaadayaan dadka kasoo jeeda dalalka kale ee Afrika ee wadankaasi ka shaqeysta ama deggan.
Koonfur Afrika waa dalka dhaqaalaha ugu weyn qaaradda Afrika, sidaas darteedna waxay soo jiidataa muhaajiriinta sharciga haysta iyo kuwa aan sharciga haysan labadaba. Dibadbaxyada hadda socda waxaa horseeday dhibaatooyinka dhaqaale ee Koonfur Afrika, iyadoo shaqo la’aantu ay dhaaftay 30%.
Hadallada siyaasadeed ee ka dhanka ah muhaajiriinta ayaa sidoo kale kor u kacay ka hor doorashooyinka degmooyinka ee la qorsheeyey bisha Nofeembar.
Horraantii bishan, wasiirka arrimaha dibadda ee Nayjeeriya ayaa sheegay in ugu yaraan 130 muwaadin oo Nayjeeriya ah oo ku sugan Koonfur Afrika ay codsadeen in loo duuliyo dalkooda.
Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa kamid ah dadka sida gaarka ah ay u bartilmaamsadeen kooxaha burcada ah ee beegsanaya muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyagoo sidoo kale mudaharaad ka hor sameeyey safaaradda Soomaalida, iyagoo codsanaya in dalkooda looga baxo.
Dowlada Soomaaliya ayaan iyadu ka hadlin arrimahan weli, iyo inay jiraan wax qorshe ah oo xukuumada Federaalka uga aadan muwaadiniinta dalkaasi ku sugan.



