Muxuu daaran yahay kulanka labada aqal ee barlamaanka Somalia.

25 February, 2026

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia oo markale maanta yeelanaya kulan wadajirn ah ayaa diiradda ku…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia oo markale maanta yeelanaya kulan wadajirn ah ayaa diiradda ku saari doona soo bandhigida cutubyada 10-aad iyo 11-aad ee Dastuurka dalka.

Qodobadaan oo siweyn usii hurinaya khilaafyada siyaasadeed ee dalka ayaa guud ahaanba waxaa doodohooda ka maqnaan doona xildhibaanada mucaaradka oo in ka badan 50 kamid ah laga momnoocay inay yimaadaan fadhiyada labada aqal.

Qodobada ugu muhiimsan ee xilligaan barlmaanka Somalia waxka-beddelkooda loo soo bandhigi doono kana duwan kuwii awoodaha iyo doorashooyinka ayaa waxaa kamid noqon doon:

Cutubka 10aad: Shaqaalaha Rayidka ah.

Cutubka 11aad: Nidaamka Maaliyadda Guud.

Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka.

Cutubka 13aad: Qodobbo Guud.

Qorshaha waxka-beddelka dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee 2012 ayaa la filayaa in la soo afmeero 1-da Bisha saddexaad 2026, waxaana siyaasiyiintu qaar saadaaliyeen inaysan jirin caqabad ka hor-imaan doonta in laga yeelo sida ay doonayso Villa Somalia.