Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay xubnaha golaha deegaanka Muqdisho ee JSP.

4 April, 2026

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Dhexe ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) kulan kula qaatay Xildhibaannada…

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Dhexe ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) kulan kula qaatay Xildhibaannada cusub ee Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir ee ka soo baxay JSP.

Waxa uu ku bogaadiyey xubnaha cusub kalsoonida ay shacabka ka heleen, isagoo kula dardaarmay in ay mudnaanta siiyaan adeegga bulshada, xoojinta shaqada dowlada hoose, ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay si hufan uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladaha hoose ay tahay laf-dhabarta dowlad dimuqraadi ah oo ku dhisan isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku dhiirrigelinayaa in ay noqdaan hoggaan shacabka u dhow, kana shaqeeya horumarka iyo nabadgelyo bulshada.