Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka,…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda sare, xubinna ka ahaa xisbiga JSP ee dowladda.
Wareegtada magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa lagu sheegay in tallaabadaani ay qayb ka tahay qorshaha dib u habeynta ballaaran ee lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaaladda loo siman yahay.

Guddoomiye hore Dr. Baashe Yuusuf Axmed oo dalka safar kaga maqnaa ayaa qorshaynayey inuu maalmaha soo socda qaado dhegaysiga gal-dacwadeedka kiiska ka dhanka ah waxka-beddelka dastuurka ee uu soo gudbiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana xilka qaadistiisa loo aanaynayaa inuu diidey soo jeedinaha Madaxtooyada & go’aankii uu horay ugu laalay natiijada doorashadii 1aad ee ka dhacday deegaamada Galmudug.




