Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey dalka Kenya, isagoo wada hadalo la yeelanaya qaar kamid…

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey dalka Kenya, isagoo wada hadalo la yeelanaya qaar kamid ah madaxda dalalka deriska ah, si ay uga wada hadlaan arrimaha ammaanka, siyaasadeed Ilaa Doorasho Heshiis lagu yahay in lahelo, iyadoo Kenya horey dadaal badan u galisay in la xaliyo khilaafka hoggaamiyayaasha Soomaalida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkaan oo aan la shaacin ku tegey Kenya, wuxuuna kulankii ugu horreeyey Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto oo ka soo laabtay shirka G7 oo uu guud ahaan ku matalayey qaaradda Africa, iyadoo Kenya tahay xulufada aan xubinta aheyn ee NATO, taas oo ka dhigan saameyn adag, xogogaalka ayaana sheegaya in fariimo toos ah ay miiska saaran yihiin waqtigan.
Sadex kamid ah Madaxda dalalka Barriga & Bartamaha Afrika ayaa xooga saaraya in la helo heshiis siyaasadeed oo looga baaqsan karro dibu dhac ku yimaada caawintooda Soomaaliya oo ay kajoogaan Boqolaal Askari, kuwaas oo aan dhaqaale loo hayn.
Dhanka kalena, Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka oo ku sugan Nairobi ayaa lafilayaa inay Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlaan xaaladda dalka, iyagoo cadaadis ku saari doona in mucaaradka iyo xukunkiisu heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka.




