Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ay weheliyaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ka…

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ay weheliyaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Waftiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambayn loo sii gudbiyey hotel gaar ah oo ay ka degi doonaan Muqdisho.
Socdaalka waftiga dhaqan ee uu hoggaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa salka ku haya ka qeybgalka caleemo-saarka Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade.
Xafladda caleemo-saarka Ugaaska Beesha Murusade ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya isimo, cuqaal, waxgarad iyo marti sharaf kale oo ka kala imanaya qeybaha kala duwan ee dalka.




