Jubbaland waa Dowlad-Goboleed ka mid ah Dowlad-Goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya Cabirka dhulka Jubbaland waxaa lagu…

Jubbaland waa Dowlad-Goboleed ka mid ah Dowlad-
Goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya Cabirka dhulka Jubbaland waxaa lagu qiyaasay 113,101 km2, waxaase jira qoraallo kale oo sheegaaya in cabirku yahay
110,293 Km2 .
Anigu waxaan soo qaatay isku darka cabirka seddexda Gobol
ay ka kooban tahay Jubaland ee hoose ku qoran sida ay
qoraayaan inta badan buugaagta.Jubbaland waxaa deggan Qabiillo badan oo Soomaaliyeed,waxaa lagu qiyaasaa dadka deggan 2.500
malyan in kastoo aan lahaynin tirade saxda ah ee lagu
sameeyay tiro koobka dadka.
Caasimadda Jubbaland sida ku cad Dasturka Jubbaland
Qodobkiisa 8aad waa magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada
Dhexe.
Waxaase si ku meel gaar ah hadda loogu shaqeeyaa
Caasimada ahaan magaalada Kismaayo oo ah magaalada
ganacsiga ee Jubbaland oo leh Dekad weyn oo calami ah.
Jubbaland Imisa Gobol bay ka kooban tahay ?
Jubbaland waxay ka kooban tahay Saddex Gobol oo kala ah:-
1-Gobolka Jubada Hoose. Qiyasta dhulka waa: 42,876 Km2
2-Gobolka Jubada Dhexe. Qiyasta dhulka waa: 9,836 Km2
3-Gobolka Gedo. Qiyasta dhulka waa: 60,389 Km2
Jubbaland yay xuduud wadaagaan ?
Jubbaland waxay xuduud wadaagaan:-
1-Dhinaca Galbedka dhulka Soomalida N.F.D.ee dalka Kenya.
2-Dhinaca Woqoyi-Galbeed dhulka Soomaalida (Ogaadeenya )
ee dalka Itoobiya.
3-Dhinaca Woqoyi-Bari Dowlad-Goboleedka Konfur-
Galbeed.
4-Dhinaca Konfur-Bari Badweynta Hindiya.
Magaca Jubbaland ma ahan magac dhawaan la baxshay ee
waa magac taariikh hore ku baxay ee horey u jiri jiray. Wuxuu
asal ahaan ka soo jeedaa Webiga Jubba oo ah webi mara
saddexda Gobol ay ka kooban tahay Jubbaland.
Magaca Jubbaland, wuxuu jiray ka hor intii aan Gumaystihii
Talyaaniga lagu wareejin dhulka Jubbaland. Runtii ma cadda
goorta la bixiyay magaca Jubbaland, waxaase la tilmaamaa xili
ku beegan qarnigii 19aad markaasoo dhulka Jubbaland ay
gacanta u gashay Boqortooyadii Reer Cumaan ee ka talinjirtay
Jasiiradda Sansibaar taasoo markii ugu horaysay ka samaysay
maamul dhulka Jubbaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo
1860kii.
Mar dambe waxaa la sheegay in Gumaysiga Ingiriiska uu alifay
magaca Jubbaland wuxuuna ku tilmaamay Jubbaland in ay ka
kooban tahay dhulka u dhaxeeya Webiga Jubba Galbeedkiisa
illaa iyo dhulka Webiga Tana ee woqooyiga dalka Kenya ku
yaala.
Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaayaa khariidada
ama (Map-ka) tilmaamaaya dhulka u dhaxeeya webiga Jubba
iyo webiga tana ( Tana River ), si aad u ogaataan dhulkaasi
halka uu ku yaallo.
Waagii hore dhulkaasi wuxuu ahaa deegaan aan xuduud kala
lahayn oo isku furan. Markii Gumaysigii Ingiriisku uu qabsaday
dhulkaasi ( Waa Kenya iyo Jubbaland ) ayuu u kala qaybsaday
labo Gobol ee kala ah JUBBALAND iyo N.F.D. Markii la kala
qaybiyay Jubbalandtii hore. Gumaysigii Ingiriika qaybtii la oran
jiray N.F.D. wuxuu raaciyay dalka Kenya. Qaybtii xigtay dhulka
Soomaalida wuxuu u reebay magacii hore ee Jubbaland,
xarunna wuxuu uga dhigay Magaalada Kismaayo.
La soco Qaybta 3aad
W/Q. Prof: Maxamed Abshir Cali



