Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray mashruucii ugu weynaa ee laga…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray mashruucii ugu weynaa ee laga fuliyo Somalia tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka.
Mashruucaan ayaa ka koobnaa buundada 2aad ee Garoowe iyo jidad laamiyo ah oo uu maalgeliyey bangiga adduunka, kaasi oo uu Madaxweyne Deni ku faanay hirgelintiisa isagoo u sababeeyey inuu ahaa mashruuc aan wax faragelin ah lagu samayn, isagoo ka digey mashaariicda ay dhaqaalaha ka dhex raadiyaan Madaxda DFS sida uu hadalka u dhigay.
“Mashaariicda fulidooda waxaa saldhig u ah in mashruucu ka madax banaanado in hayadaha aan shaqada ku lahayn faraha lagalaan ama dhaqaale ka raadiyaan, waxaa sharaf noo ah mashruucaani noqdo midkii sida ugu quruxda badan u fulo guud ahaan dalka, waxaan ka digaynaa in mashaariicda la siyaasadeeyo iyadoo looga golleeyahay in dhaqaale laga dhex doono”, Ayuu yiri Siciid Deni.
Waxaa kale, oo Madaxweyne Deni sheegay inaysan qaadan doonin mashaariic aan u qalmin shacabka Puntland,”Marmar baan waxaan maqlaa dowladdu mashaariicdii bay diidey, waxkastoo xun oo magaceena xumayna waa diidaynaa warku waa inuu cad yahay”.
Ugu dambayntiina Madaxweyne Deni ayaa shacabka gobolka Nugaal ku ammaanau doorkii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo tilmaamay inay naf iyo maalba u hureen difaaca dalkooda.



