MW Lugatoor,”Dowladdii Soomaaliyeed Waraabe ayey nagu noqotay”.

2 July, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo khudbad ka jeediyey shir ka qabsoomay Garoowe ayaa…

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo khudbad ka jeediyey shir ka qabsoomay Garoowe ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland.

Lugatoor ayaa sheegay in xukuumadda Puntland iyo shacabkeedi isku tashteen dhaqaale ahaan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabaddiidka ah loona helo maalgashiyo caalami ah iyo horumar bulsho oo dhammaystiran.

Waxa uu sheegay in caqabadaha ugu badan ee dhanka ammaanka dowladda ka haysta ay kamid yihiin kooxaha maandooriyaha adeegsada iyo aanooyinka qabiilka, haseyeeshee dowladdu qorshe ka yeelan doonto dagaalka Daacish kadib.

“Waddankaan cid walba waa rabtaa inay maalgashtaan, laakiin waxaan u baahanahay in haddii argagixisadii aan ka adkaanay inaan u soo jeensano wiilkaa Khamriya cabka ah ee wax dilaya iyo aanada qabiilka haddaynaan suulin waa dhib”, Ayuu yiri Lagatoor.

Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdii Soomaaliyeed ay waraabe ku noqotay Puntland,”Dadka reer Puntland waa dad wanaagsan oo dowlad loo noqon karo laakiin dowladdii Soomaaliyeed ayaa waraabe inagu noqotay oo waxba kama soo socdaan laakiin waxaan goosanay Puntland inaan ka shaqayno dowladnimadeed”.