Wakiilo ka socda xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa Villa Somalia kulamo kula…

Wakiilo ka socda xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa Villa Somalia kulamo kula leh Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo casumaad ugu sameeyey.
Shirka xubnaha mucaaradka iyo madaxtooyada Somalia ayaa looga arrinsanaya xaalka siyaasadeed ee dalka, ammaanka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2026.
Xubnaha mucaaradka ayaa hordhigay Madaxweynaha aragtiyadooda ku aaddan baahida loo qabo in la gaaro heshiis qaran oo ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, taas oo fure u ah hirgelinta doorasho lagu kalsoon yahay iyo xasilooni siyaasadeed.
Dhanka kalena, Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kulamo ku lahaa Garowe ayaa dib u dhigay war-murtiyeed ay wadajir u soo saari lahaayeen iyagoo sugaya natiijada shirka Madaxweynaha iyo mucaaradka ee Muqdisho.



