17 May, 2022
Madaxweynaha cusub ee JFS ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed…

Madaxweynaha cusub ee JFS ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed ee Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa Qado uu u sameeyay Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa daarnaa Hambalyo, Salaan iyo sidii la isaga kaashan lahaa Adeegyada Dowladeed ee loo hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed ee dalka.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada.