Qaybaha kala duwan ee bulshooyinka kunool deegaamada Puntland iyo Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay…

Qaybaha kala duwan ee bulshooyinka kunool deegaamada Puntland iyo Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii ay dowladda Federalka ah ee Somalia hawada uga celisey diyaarado sidey ilaalada madaxda labada maamul.
Qaar kamid ah shacabka kunool Garoowe ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ahayd mid muujinaysa dhibaatada lagu hayo reer Puntland ayna tahay in Madaxweyne Deni uusan tegin Muqdisho inta uu dhammaanayo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo Kismaayo ka hadlay ayaa sheegay in iskudaygii dil ee ay qaadday dowladda federalka ah looga baahan yahay inay raaligelin ka bixiso kahor inta aysan ciidanku ku laaban Magaalada Muqdisho.



