MW Xasan Sheekh oo maalin kahor kulanka mucaaradka isu diiwaangeliyey doorasho dadweyne.

12 August, 2025

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaangeliyey…

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaangeliyey doorashada qof iyo cod ee ay qabashadeeda ku hawlan tahay DFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey mid kamid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ammaankeeda si gaar ah loo adkeeyey ayaa isdiiwaangeliyey kana qaatay kaarka codbixinta, sida ay sheegeen saraakiil madaxtooyada katirsan.

Tiro dhawr jeer ah ayey DFS kordhisay xilliga lagu diiwaangelinayo dadweynaha, iyadoo falanqeeyayaasha siyaasaddu sheegeen in ay yaryihiin dadka isdiiwaangeliyey, tirada ururada siyaasadda doonaya doorashada iyo daneeyayaasha kale, maadaama aan heshiis lagu ahayn qabashada doorasho dadweyne.

Tallaabadaan ayaa ku soo aaddey xilli ay Villa Somalia la ballansan tahay siyaasiyiinta mucaaradka oo doonaya in laga laabto waxka bedelka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka aysan heshiiska ku ahayn saamileeyda siyaasadeed ee dalku.