Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dil gelinkii dambe ee shalay duleedka Bacaadweyn ee gobolka…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dil gelinkii dambe ee shalay duleedka Bacaadweyn ee gobolka Mudug loogu geystey Cali Xasan Jarhaye, oo kamid ahaa cuqaasha gobolkaasi.
Nabadoon Cali Xasan Jarhaye, oo siweyn looga yaqaaney gobolka Mudug ayaa dilkiisa la sheegay inuu xiriir la lee yahay aano qabiil, kadib dirir dhawaan ka dhacday deegaanka Roox ee duleedka degmada Galkacyo.
Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in laamaha ammaanka gobolka Mudug baaritaan ku hayaan kiiska iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyey.
Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxa uu hoy u noqday dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga iyo kalsoonida bulshada.



