Nabadoonada gobolka Nugaal oo dalbaday in laga wada qayb qaato dagaalka Cal-miskaad.

15 February, 2025

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka…

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Kulankaan ayaa ugu horrayn lagu soo gudbiyo xogaha la xiriira dagaalka Cal-miskaad iyo sidii loo laba jibbaari lahaa doorka maamulka gobolka Nugaal iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ka qaadanayaan taageerada ciidamada dowladdda Puntland.

Odayaashii iyo nabadoonadii ka qaybgalay kulanka ayaa siweyn u taageeray ciidamada dowladda, waxaana ay balan qaadeen inay diyaarin doonaan, sahay, hub iyo ciidamo ka qayb qaadan doona dagaalka lagu soo afmeerayo kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan gobolka Bari.

Ugu dambayntiina shir guddoonka ayaa ugu baaqay dhammaan bulsha weynta reer Puntland inay dhiig iyo dhaqaaleba ku bixiyaan garab istaagga ciidamada dagaalka kula jira cadawga dalka ku soo duuley.