Nabadoonada Gobolka Nugaal oo taageeray inaan laga daba imaan dadka falalka ammaan xumo wada.

12 June, 2025

Qaar kamid ah waxgaradka iyo nabadoonada gobolka Nugaal oo ka qaybgalay shir ka qabsoomay Magaalada Garoowe…

Qaar kamid ah waxgaradka iyo nabadoonada gobolka Nugaal oo ka qaybgalay shir ka qabsoomay Magaalada Garoowe ayaa siweyn u taageeray inaan laysku raacan shaqsiyaadka isticmaalaha maandooriyaha ee ku dhinta hawlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.

Nabadoonada ayaa sheegay in kooxaha loo yaqaan cabtooydu ay caqabad weyn ku yihiin ammaanka Magaalada Garoowe, loona baahan yahay inaan dowladda looga daba imaan haddii ay laamaha ammaanka dagaal kala horyimaadaan kuna dhintaan.

“Cabtooyada Magaalada Inta la dilo booraan dawaco ha lagu rido cid ka daba imaan kartaa majirto”, Ayuu yiri Nabadoon Axmed Jaamac Xasan (Axmed Surato).

Mid kale oo kamid ah nabadoonada ayaa yiri,”Cid walba oo doonaysa inay ammaanka waxyeesha cidna looga gabban maayo waa in tallaabo laga qaadaa”.