Ardayda gudubtay waxaa ka mid ahaa 7,978 wiil, oo ah 49.73 boqolkiiba tirada guud, iyo 6,941 gabadhood oo ah 43.26 boqolkiiba.

GAROOWE — Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa daabacday natiijada guud ee imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025-2026, iyadoo 14,919 arday ay ka gudbeen imtixaanka, taasoo u dhiganta 92.99 boqolkiiba tirada guud ee ardayda isdiiwaangelisay.
Sida ku cad xogta ay soo saartay Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda, wadarta ardayda imtixaanka loo diiwaangeliyay waxay ahayd 16,043 arday. Waxaa dhacay 711 arday oo u dhiganta 4.43 boqolkiiba, halka 413 arday oo ah 2.58 boqolkiiba ay imtixaanka ka maqnaayeen.
Kala qaybsanaanta jinsiga
Ardayda gudubtay waxaa ka mid ahaa 7,978 wiil, oo ah 49.73 boqolkiiba tirada guud, iyo 6,941 gabadhood oo ah 43.26 boqolkiiba.
Dhinaca ardayda dhacay, waxaa ku jiray 416 wiil (2.59%) iyo 295 gabadh (1.84%). Ardayda maqnayd waxay ahaayeen 232 wiil (1.45%) iyo 181 gabadh (1.13%).
Marka la eego tirada guud ee jinsi kasta, wiilashu waxay ka koobnaayeen 8,626 arday, gabdhuhuna 7,417 arday — taasoo muujinaysa in wiilashu ay ka badnaayeen gabdhaha diiwaangelinta.
Gabdhuhu heer guul sare ayay ka soo hoyeen
In kasta oo wiilashu tiro ahaan ka badnaayeen gabdhaha, haddii natiijada lagu qiyaaso boqolkiiba jinsi kasta, gabdhuhu waxay gaareen heer guul ka sarreeya kan wiilasha. Guud ahaan, 93.58 boqolkiiba gabdhaha diiwaangashan ayaa gudbay, halka wiilashu ay ku ekaayeen 92.49 boqolkiiba.
Isla sidaas oo kale, haddii la xisaabiyo oo keliya ardaydii dhab ahaantii imtixaanka fariisatay — 15,630 arday — heerka guusha guud wuxuu kor u dhaafayaa 95 boqolkiiba: 95.92 boqolkiiba gabdhaha iyo 95.04 boqolkiiba wiilasha.
Maqnaanshaha oo ah tiro yar
Ardayda gebi ahaanba ka maqnayd imtixaanka waxay ahayd 413 oo keliya, oo ka hooseysa saddex boqolkiiba tirada guud. Xogta la daabacay kuma jirto sharraxaad ku saabsan sababaha maqnaanshaha ama kala qaybsanaanta natiijada marka loo eego gobollada iyo degmooyinka.
HM




