Natiijada kulankii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

5 January, 2026

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Sheekh Shariif…

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulan ay Xisbiga Himilo Qaran ku sheegtay in lagu gorfeeyey tabashooyin jiray iyo qorshayaal la xiriira qabashada shir wada-tashi qaran. Kulankan ayaa imaanaya xilli ay jireen khilaafaad siyaasadeed iyo is-faham la’aan u dhexeysay hoggaanka dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo la xiriira tabashooyin shaqsi ah, kuwaas oo la xaqiijiyay in laga heshiiyey. Bayaanka ayaa xusay in labada dhinac ay muujiyeen rabitaan ku aaddan in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee taagnaa, isla markaana la abuuro jawi wadahadal iyo is-afgarad ku dhisan.

Sida lagu caddeeyay bayaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku muujiyey rabitaankiisa ah in la qabto shir wada-tashi qaran oo ay hore ugu baaqeen daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka. Madaxweynaha ayaa Sheekh Shariif ka codsaday in uu door muuqda ka qaato hirgelinta shirkaasi, si uu u noqdo mid miro dhal ah oo lagu gaari karo heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Dhankiisa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara midnimo qaran iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-hadal dhab ah, isu-tanaasul iyo in la ilaaliyo midnimada iyo maslaxadda guud ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, ay qorsheynayaan shir ka dhacaya magaalada Garoowe, kaas oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed, doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka. Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa haatan wada kulamo gaar-gaar ah, iyaga oo dejinaya istaraatiijiyad la xiriirta marxaladda kala-guurka iyo isbeddelka siyaasadeed ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo.