Ruushka ayaa lagu eedeeyey jaritaanka xadhka iyo fiilooyinka internet-ka ee badda hoos mara.

Isbahaysiga militariga NATO ayaa sheegay Talaadadii in ay bilaabayaan howlgalka kormeerka badda Baltic kadib markii la sheegay in bilihii lasoo dhaafay maraakiib laga leeyahay Ruushka ay jareen xadhka iyo fiilooyinka internet-ka ee badda hoos mara.
Dhowr khad ee isgaarsiineed iyo koronto ayaa gobolka laga jaray, iyadoo khubarada iyo siyaasiyiintu ay ku eedeeyeen Ruushka inuu abaabulayo dagaal isku dhafan oo ka dhan ah reer Galbeedka, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan Ukraine.
Kulan Talaadadii ka dhacay Helsinki xubnaha NATO ee badda Baltic, madaxa NATO Mark Rutte ayaa sheegay in howlgalka “Baltic Sentry” ay “ka qeyb qaadan doonaan maraakiibta iyo diyaaradaha ilaalada badaha, waxayna kor u qaadi doontaa feejignaantooda badda Baltic-ga.”
NATO ayaa sheegtay dabayaaqadii bishii December inay kordhin doonto joogitaankeeda gobolka kadib tuhun ka dhashay in la burburiyay xadhka isgaarsiinta badda hoosteeda ee u dhexeeya Finland iyo Estonia.
Horseed Media