Kulanka dhexmaray madaxweynaha Mareykanka iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran. Dhanka kale, Tehran ayaa dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo sidoo kale kooxahooda, ayaa ammaanay iskaashiga u dhexeeya labada maamul kaddib kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay Talaadadii ku yeesheen Xafiiska Oval Office-ka ee Aqalka Cad.
Kulanka ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran. Kahor inta uusan Netanyahu imaan, waxaa muuqatay in kulanku uu yeelan karo natiijo aan la hubin, iyadoo Trump si cad uga cabanayay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, gaar ahaan wareysi uu siiyay telefishinka Fox News.
Wadahadalladii Talaadadii oo socday 90 daqiiqo ayaa Aqalka Cad ku tilmaamay kuwo “wanaagsan oo wax-ku-ool ah”.
Muuqaal uu Netanyahu ku baahiyay baraha bulshada kaddib kulanka ayuu ku sheegay in uu ahaa “mid ka mid ah wada-hadalladii ugu fiicnaa ee aan abid la yeesho madaxweynaha Mareykanka”.
Waxa uu intaas ku daray in wada-hadalku diiradda saaray “hadafkeenna wadajirka ah: in la hubiyo in Iran aysan helin hubka nukliyeerka.”
Kulanka Talaadadii ayaa dhacay iyadoo doorashooyin ay ku soo fool leeyihiin Israa’iil.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo xigatay ilo aan la magacaabin oo sheegay in Netanyahu uu doonayay inuu helo taageerada Trump si uu ugu isticmaalo ololihiisa dib-u-doorashada, ka hor codbixinta la filayo 27-ka Oktoobar.




