Netanyahu oo hanjabaad u diray Madaxweynaha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo waxa uu ku…

28 June, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo waxa uu ku tilmaamay hanjabaado uga imaanaya Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, wuxuuna xusay in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeynayso Maraykanka si loogu diyaar garoobo loogana hortago khatar kasta oo uu sheegay inay ka imaan karto Turkiga.

Netanyahu ayaa hadalkan jeediyay xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo hadallada kulul ee u dhexeeya Ankara iyo Tel Aviv, kuwaas oo salka ku haya dagaalka Gaza iyo mowqifyada kala duwan ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu sheegay in xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Maraykanka uu muhiim u yahay sugidda amniga Israa’iil, isagoo carrabka ku adkeeyay in labada dal ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo sirdoonka si ay uga jawaabaan khataraha amni ee jira.

Dhanka kale, Dowladda Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin hadallada ugu dambeeyay ee Netanyahu. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa hore marar badan u dhaleeceeyay siyaasadaha Israa’iil ee Gaza, taasoo sii kordhisay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal.