Israa’iil ayaa lagu wadaa inay qabsato guud ahaan Marinka Gaza oo ay ka saarto dadkeeda, ayuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada Isniintii.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in duullaanka cusub ee Qaza uu noqon doono howlgal millatari oo xooggan oo looga gol leeyahay in lagu jabiyo Xamaas.
“Dadweynaha waa la rari doonaa,” Netanyahu ayaa ku yiri muuqaal la soo galiyay X. Wuxuu sheegay in askarta Israa’iil aysan Gaza dib uga bixi doonin.
Sarkaal ka tirsan Israa’iil ayaa sheegay in qorshahan aan la bilaabi doonin ka hor inta uusan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soo gabagabeyn booqashadiisa toddobaadka soo socda ee Bariga Dhexe.
Go’aankan ayey ku dhawaaqeen, kadib dadaallo is-daba joog ah oo toddobaadyo socday oo lagu doonayay in xabbad-joojin lagula heshiiyo Xamaas, xili cadaadis caalami ah saaran yahay Israa’iil iyada oo ay sii yaraanayso taageerada dadweynahooda ee in dagaalka sii socon karo si aan dhammaad lahayn.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa u sheegay saxafiyiinta in askarta kaydka ah loogu yeerayo inay balaadhiyaan howlgallada Gaza.
Mid ka mid ah saraakiisha dowladda Israa’iil ayaa sheegay in duullaanka cusub ee la ansixiyay ay ku qabsan doonaan dhammaan dhulka Marinka Gaza, iyadoo shacabka loo rari doono koonfurta.
Israa’iil ayaa dib u billowday duullaankeeda bishii Maarso ka dib markii ay burburtay xabbad joojin uu Maraykanku taageeray oo hakisay dagaalka muddo laba bilood ah.
Waxa ay tan iyo markaas ay xannibaad ku soo rogtay gar-gaarka deegaankaas, iyadoo digniino ay ka soo saareen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah oo sheegay in 2.3 milyan oo qof ay soo food saartay macluul.