Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu “aad ugu dhow yahay” inuu meesha…

Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu “aad ugu dhow yahay” inuu meesha ka saaro maamulka Iran, isaga oo ku celiyey in ridista xukuumadda Tehran ay tahay mid ka mid ah ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Israa’iil.
Netanyahu ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegay Jabal al-Sheikh, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla koonfurta Suuriya, isla markaana leh muhiimad istiraatiiji ah oo dhinaca militariga iyo ilaalinta xuduudaha ah.
Netanyahu ayaa ku tilmaamay maamul taageera kooxo uu Israa’iil u arko inay yihiin argagixiso. Waxa uu sidoo kale saadaaliyay in haddii awoodda Iran ay daciifto, uu burburi doono waxa uu ugu yeeray “isbahaysiga” ama “axis-ka” ay Iran ku leedahay gobolka.
Maraykanka iyo xuluufadiisa ayaa muddo sanad ku dhaw ku guuldarraystay inay meesha ka saaraan hoggaanka Iiraan, iyadoo jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay muujisay awooddeeda Bariga dhexe.




