Netanyahu oo si qarsoodi ah Abu Dhabi ula kulmay madaxweynaha Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Abu Dhabi madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, sida ay labada dowladood xaqiijiyeen Isniintii shalay.

29 September, 2026

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Israa’iil iyo siyaabaha loo xoojin karo loona horumarin karo,” ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Imaaraadka.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in booqashadu “diiradda saartay xoojinta xiriirka labada dal iyo caqabadaha gobolka”.

Booqashadan qarsoodiga ah ayaa timid toddobaadyo kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay baahisay war muran dhaliyay oo sheegayay in madaxweynaha Imaaraadka uu Netanyahu uga digay khatar dhow oo ka imanaysay kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ee Xamaas, ka hor weerarkii dhimashada badnaa ee Israa’iil lagu qaaday 7-dii Oktoobar 2023.

Warbixintu waxay sheegtay in Netanyahu lagu eedeeyay inuu digniintaas u gudbin waayay hay’adaha ammaanka Israa’iil.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa Isniintii sheegay in ujeeddada booqashada Netanyahu ay ahayd inuu Sheekh Maxamed ka codsado inuu beeniyo in uu bixiyay digniintaas.

Xafiiska Netanyahu ayaa beeniyay in ra’iisul wasaaruhu uu codsi noocaas ah sameeyay, sida uu sidoo kale horey u beeniyay warbixintii asalka ahayd.

Netanyahu oo cabasho ka gudbiyay Channel 12

Horaantii Isniintii, ka hor inta aan si rasmi ah loo xaqiijin booqashada Netanyahu, adeegga ammaanka gudaha Israa’iil ee Shin Bet ayaa cabasho ka gudbiyay Channel 12.

Shin Bet ayaa ku eedeeyay telefishinka inuu jebiyay xeerarka faafreebka, kaddib markii uu baahiyay warka ku saabsan booqashada xilli ra’iisul wasaaruhu aanu weli dalka ku soo laaban.

“Caawa, Shin Bet wuxuu cabasho u gudbiyay Madaxa Faafreebka Ciidanka, isagoo dalbaday in Channel 12 lagu qaado tallaabada ugu adag ee sharcigu oggol yahay, kaddib xadgudub culus oo ka dhan ah xeerarka faafreebka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Netanyahu.

Qoraalkan ayaa intaas ku daray in warbixinta la baahiyay xilli diyaaraddii ra’iisul wasaaruhu ay weli ka baxsanayd hawada Israa’iil, taas oo, sida lagu sheegay, “halis gelisay nolosha ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa, iyo sidoo kale wafdiga” la socday.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Mossad iyo saraakiil kale oo sare oo dhinaca ammaanka ah.

Israa’iil iyo Imaaraadka: xiriirka diblomaasiyadeed

Martigelinta Sheekh Maxamed uu u sameeyay Netanyahu ayaa ah horumar muhiim ah, xilli hoggaamiyaha Israa’iil ay dad badan oo ku nool Bariga Dhexe u arkaan inuu yahay masuulka ugu weyn ee siyaasadda iyo dagaalka Israa’iil ka waddo Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa sababay dhimashada in ka badan 70,000 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay ahaayeen rayid.

Kulankan ayaa sidoo kale ah markii ugu horreysay ee Imaaraadku si rasmi ah u xaqiijiyo kulan dhexmaray labada hoggaamiye, kaddib markii uu horey u beeniyay warar sheegayay in Netanyahu uu Imaaraadka booqday bishii May.

Imaaraadku wuxuu ka mid yahay tiro yar oo dalal Carbeed ah oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leh Israa’iil, kaddib markii labada dhinac ay saxiixeen heshiisyadii Abraham Accords sannadkii 2020, xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu xilka hayay.

Imaaraadku wuxuu cambaareeyay weerarkii Xamaas ay Israa’iil ku qaaday 7-dii Oktoobar 2023. Hase yeeshee, xiriirka labada dhinac ayaa sidoo kale uu wajahayay xiisado ka dhashay dagaalkii Israa’iil ay markii dambe ka billowday Gaza.

Imaaraadku wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil” ee ka socda dhulka Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinno ayaa sheegay in Israa’iil ay Imaaraadka geysay nidaamyada difaaca cirka ee Iron Dome, iyo shaqaale lagu hawlgeliyo, xilli uu socday dagaalkii Iran iyo Israa’iil, iyadoo Imaaraadku wajahayay weerarro aargoosi ah oo uga imaanayay Tehran.